XOG: Dowlada Itoobiya Oo Ugu Digtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Inuusan Dacweyn Karin Imaaraadka Carabta.

ADDIS ABABA (XOGTA.NET) – Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay Idaacadda afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay dhexdhexaadin doonto Khilaafka soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Shirkii Wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa Soomaaliya waxaa ay u gudbisay cabasho ka dhan ah dowladda Imaaraadka, dacwadaas waxaa Soomaaliya kala shaqeeyey oo  kafaala qaaday waddamada Suudaan iyo Jabuuti. Hasa yeeshee waxaa la yaab ku noqotay waddamada kafaala qaaday in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia Axmed Ciise Cawad uu ku adkeystay in laga saaro waraaqadda dacwada magaca dalka Imaaraadka, kadib markii ay la soo hadashay dawladda Itoobiya.

Wasiir Axmed Cawad oo wax ku bartay dalka Itoobiya ayaa waxaa soo baxaya inuu xiriir dhow la leeyahay madaxda sare ee dalkaas. Wasiirka waxaa lagu soo warramay inay Itoobiya ku amartay inaan dacwadda Somaliya ay gudbineyso lagu soo hadal qaadin dalka Imaaraadka, maadaama cad gobeed ay uga goysay dhulka Somaliya. Taas ayaan keentay in dacwadda lagu soo koobo shirkadda DP World.

Waxay XOGTA.NET is weydiineysaa sidee shirkad aan dalkeeda looga dacwoon loogu dacweynayaa urur goboleed? Bal Wasiir Axmed Cawad ha u sheego shacbiga Somaliyeed ee u haysta inuu xilka iyaga u hayo cidda dacwadda laga gudbiyey. Sidee jaamacadda Carabta loogu dacweyn karaa shirkad ganacsi?

Warar dheraad ah oo aynu ka hellay arrintaas ayaa noo sheegay inuu Wasiir Axmed Cawad Khadka Telefoonka uu  kula hadlayay saacado badan madaxda dalka Itoobiya, balse aanan la ogeyn cidda uu la hadlayey. Dad aad ugu dhow Axmed Ciise Cawad ayaa XOGTA.NET u xaqiijiyay in Axmed uu xiriir toos ah la leeyahay dowladda Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa aad uga carooday falka Wasiir Axmed Ciise, waxaana ay isla gaareen heer adag oo keenay in markii danbe ay dowladda Suudaan ka baxday shirka.

Waa ayaan darro ah  in wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu ka amar qaato dal kale iyadoo R/wasaarihiisana lagu saxeexay heshiis qaran dumis ah dal uu booqasho ku joogo, waxbana uusan ka dhihin intii uu joogay dalkaas. Waxaa soo baxday in Axmed Cawad uu si toos ah amarka uga qaato Addis Ababa halka uu ka amar qaadan lahaa Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkii wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa Soomaaliya waxaa ay u gudbisay cabasho ka dhan ah dowladda Imaaraadka.