Xisbiga Wadajir Oo Dacweynaya Dadkii Ka Dambeeyay Weerarkii Guriga AA Warsame (YAA KAMID AH..?)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Xisbiga Wadajir ayaa sheegay iney dacweyn doonaan cid walbo oo ku lug lahayd weerarkii December 18 2017, lagu qaaday xafiiskooda ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sayid Cali oo ah xoghaya xisbiga Wadajir ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in xeer ilaaliyaha, saraakiishii soo amray ciidankii weerarka ku qaaday xafiiskooda iyo cid walbo oo gadaal ka joogtay ay maxkamad ka dacweyne doonaan.

Wuxuu tilmaamay xoghayaha in illaa iyo hadda aanay dowladda baaritaan ka sameyn dhibkii loo geystay ka xisbi ahaan, sidaasi darteedna ay go’aansadeen iney dacwoodaan.

“Shirkeenna Jaraa’id waxaa uu ku saabsanaa inaan dabo galno dhibkii ka dhacay xarunta xisbiga oo muddo bil ku dhow jiitamayey welina wax baaritaan ah aan la sameynin dhanka dowladda wax xalna aan laga gaarin waanwaanta, saas darteed waxaa uu go’aansaday xisbiga inuu dacwoodo uu maxkamadda uu dacwo ka furo, waxaan ka dacwoonaynaa guud ahaan dadka aan ognahay inay howsha qeyb ka ahaayeen saraakiishii ciidanka ee meesha soo weeraray iyo dadkii ka kaalmeeyay dhanka sharciga sida xeer ilaalinta iyo dadkii isku xirka hoggaaminayey oo dhanka madaxtooyada ka socday, xisbigeena kaliya magaalada majoogo shaqadana waa ay wadaan xisbigeenu waxa xisbiyada kale ay wadaan wax ka duwan ma wadin,waxaan ka rajeyneynaa in sharciga la keeno dadkii howshaan ku lugta lahaa oo dadkii dhibku gaaray dadkoodiina dhintay iyo dadkii dhaawacmay iyo dadkii laftigooda ka badbaaday isku dayga in intaba ay helaan caddaalad oo dadkii dhibkaasi u geystay la xukumo” ayuu yiri Sayid Cali.

Dhanka kale, Sayid Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sharci darro ku tilmaamay in kiiska C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha xisbigooda ay dib u furto maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir.

“Hogaankeenna dacwadii waa uu soo maray waana la dacweeyay maxkamaddii marna waa la geeyay marna asiga ayaa tagay dacwadii annaga nagu socotay oo hogamiyaha xisbiga ku socotay waa ay soo dhammaatay qeybtii hore, qeybtaan dambe oo hadda gadaal laga furay waxaan aaminsannahay inaysan aheyn wax daliil heysta, maxaa yeelay tii hore go’aammadeedii ayaa meesha yaallo go’aammadaasna waxay dhigayeen inaan racfaan la qaadan karin” Sayid Cali ayaa sidaasi Goobjoog News u sheegay.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeen saqdhexe 18 December waxay weerareen xafiiska xisbiga Wadajir oo uu ku sugnaa siyaasi C/raxmaan C/shakuur, waxaana halkaasi ku dhintey 6 kamid ah ilaalada Shakuur, isagana dhaawac ayaa soo gaaray.


Nagala Xiriir E-mail Info@xogta.net

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

RW Kheyre Oo Shirweyne Caalami Ah Ka Qeyb-galaya.
- Jan 23, 2018
NAIROBI (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay u amba ...
Madaxweynaha Somaliland Oo Hanjabaad Culus Diray.
- Jan 23, 2018
HARGAYSA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ...
Geedi “Maqaamka Muqdisho Waa Mid Dastuuri Ah Oo Waajib Ku Ah Qof Kasta”.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in ...
Xil. Dhuxuloow Oo Ka Digay Bog Facebook Ah Oo Magaciisa Lagu Samaystay Looguna Gafay Dad Badan.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka ...
AKHRISO: Hantiilayaasha Caalamka 82% Dhaqaalaha Ay Heystaan Waxaa Gacanta Ku Haya 1% Oo Dadkaasi Ah.
- Jan 22, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Hay’adda Oxfam ee laga leeyahay dalkaUK ayaa sheegtay in uu aad ...
Heerarkii Uu Soo Maray Khilaafka Taabit Iyo Kheyre (Biloow ilaa Dhamaad)
- Jan 21, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Thabit Cabdi oo ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u ...
RW Itoobiya Iyo Madaxweynaha Somaliland Maxay Ka Wada Hadleyn?
- Jan 17, 2018
ADDIS ABABA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ...
RW Kheyre Oo Xilka Laga Qaadi Doono (YAA LAGU BADALAYAA..?)
- Jan 15, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Illo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Raysal wasaare Kheyre ay ...