Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi Maxuu Ka Yiri Arrinta Shirkada DP World.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kulan Taariikhi ah ku tilmaamay shirkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu ansixiyey xeerka: “Xeerka Dhowrida Gobanimadda Iyo Midnimada Gayiga Soomaaliyeed”.

Wuxuu sheegay in guud ahaanba dalka laga mamnuucay shirkada  DP World ee tuugeysiga ku waday dalka sida uu yiri, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay barbar istaagaan Baarlamaanka oo ay taageeraan go’aankaasi.

Barlamaanka Soomaaliya Oo Dalka Ka Mamnuucay Shirkada DP World (SABABAHA LOO CUKSADAY AKHRISO)

“DP WORLD wixii ay gashay ee ay ugu yeertay heshiisyada dhamaantood wax ka jira malahan, ha ahaadaan kuwa Dakadda Berbera, amaba kuwa Boosaaso, Kaalinta Golayaasha labada aqal waxba ma tareyso haddii kaalinta shacabka Soomaaliyeed la waayo..” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.