Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday {CIIDAMADA NISA OO FULIYEEN}

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay shalay galinkii dambe is rasaaseyn dhex martay ciidamada ammaanka ee NISA iyo ilaalada xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dhacay bar ay ciidamada amniga ku leeyihiin oo ku dhow KM 0, agagaarka Baarkii FIAT, kadib markii la sheegay in Gaari aanay rasaastu karin oo xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur leeyahay uu dhaafay barta ciidamada kadibna la rasaaseeyay.

Xildhibaanka oo ah hormuudka kooxda Qabyo ayaa waxaa u soo gurmaday Gaari nooca dagaalka ah oo uu isagu leeyahay, kaasoo soo gaaray goobta, halkaasi ka galbiyey xildhibaanka, iyadoo aan la soo werin wax qasaare ah oo is rasaaseyntani ka dhalatay.

Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayuu ku sheegay in darawalkiisa ay joojiyeen ciidamada NISA, si caadi ahna uu isugu sheegay qofka uu yahay, balse markii ay u ogolaadeen inay dhaqaaqaan lagu bilaabay rasaas, balse uu ka badbaaday.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanka ayaa ka mida kuwa ugu hubka badan magaalada, isagoo heysta gaadiid dagaal, wuxuuna sheegay inuu hore hanjabaadyo ugala kulmay ciidamada NISA.