Xildhibaan Goodax Oo Sannado Badan U Codsaday In Lagu Xukumo Masuulkii Heshiish Hoose Gala {WAA IMISA..?}

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa Baarlamaanka Federaalka maanta ka dalbaday in mas’uul iyo qofkii Soomaali ah ee gala heshiis wax u dhimaya qaranimada Soomaaliyeed lagu xukumo xabsi 10 -ilaa 30 sano oo xarig ah.

“Waxaan halkan u soo istaagay waxa ay tahay inaan xeerka ka waayay qodob sheegaya ciqaabta ma’suulka ama muwaadinka gala heshiis qarsoodi ah. Waxay aheyd in lagu daro qofkaa muteysan karo Xabsi gaaraya 10 ilaa 30 sano..” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Xildhibaan Cabdilaahi Goodax Barre ayaa hadalkaan ka sheegay fadhigii baarlamaanka ee uu ku dalka kaga mamnuucay shirkadda DP World ee heshiisyada la gashay maamulada Somaliland iyo Puntland oo dekaddaha Berbera iyo Boosaaso ku hantiyeyso.