Xiisad Dagaal Oo Maleeshiyo Beeleed U Dhaxeeya Oo Ka Taagan G/Shabeelaha Dhexe.

JOWHAR (XOGTA.NET) – Xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa lagu soo waramayaa iney haatan ka taagan tahay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Deegaanka Gaashaanle oo ka mid ah deegaannada hoostaga Jowhar, isla markaana qiyaas ahaan 15 KM ka xiga dhanka Koonfur Bari ayaa lagu soo waramayaa iney isku hayaan Labo maleeshiyo beeleed.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii Jimcihii shalay lagu diley deegaankaasi Afar qof.

Arbacow Xaaji Aadan, guddoomiyaha deegaankan ayaa wareysi uu siiyey XOGTA.NET, ku sheegay in haddii aan degdeg wax looga qaban xiisaddan jirta ay xaaladda meel adag sii tagi karto.

“Meeshaan waxaa ka taagan xaalad adag, muranka wuxuu ka bilowday xoolo lumay, Afar qof ayeey Labada dhinac iska dileen, cabsina waa ay jirtaa weli” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Arbacow ayaa sheegay in weli aanu jirin cid kala dhexgashay dhinacyadan is haya, xilli walbana dagaal la filan karo.