Xaliimo Yareey Oo Go’aan Kasoo Saaraysa Dib U Doorashada Kuraasta Banaan.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in maalinta Axadda ee soo socoto ka jawaabi doonaan warqad kasoo gaartay maxkamadda sare ee dalka.

Qoraalkaasi ayaa ahaa inay hakiyaan doorashada kuraasta banaanaatay ee xildhibaanada golaha shacabka, waxaana Xaliimo Yareey ay shaacisay inay kulan ku yeelaan doonaan magaalada Muqdisho.

Xaliimo Yareey, oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa saxaafadda u sheegtay in xubnaha guddiga ay ku shirayaan magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu wargeliyay inay shirkaasi kasoo qeyb galaan maadaama ay Muqdisho ka maqan yihiin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sheegtay in codsi uu kaga yimid guddoonka golaha shacabka, kaasi oo ah in la boobsiiyo doorashada afarta kursi ee ka banaanaatay golaha shacabka.

“Golaha shacabka ayaa inoo soo jeediyay Ducement oo ah inaan soo buuxino kuraasta banaanaatay, balse waxaan shalay warqad ka helnay maxkamada sare oo ah joojinta iyo kasoo jawaabida warqadooda”.

“Maalinta Axadda ayaan ku shiri doonaa Muqdisho, waxaana kasoo jawaabi doonaa warqada naloo soo diray ee ah inaan joojino doorashada kuraasta banaan, maalinta axada ayaana jawaabta oo buuxdo soo saari doonaa”.ayay tiri Xaliimo Yareey.


Nagala Xiriir E-mail Info@xogta.net

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

RW Kheyre Oo Shirweyne Caalami Ah Ka Qeyb-galaya.
- Jan 23, 2018
NAIROBI (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay u amba ...
Madaxweynaha Somaliland Oo Hanjabaad Culus Diray.
- Jan 23, 2018
HARGAYSA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ...
Geedi “Maqaamka Muqdisho Waa Mid Dastuuri Ah Oo Waajib Ku Ah Qof Kasta”.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in ...
Xil. Dhuxuloow Oo Ka Digay Bog Facebook Ah Oo Magaciisa Lagu Samaystay Looguna Gafay Dad Badan.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka ...
AKHRISO: Hantiilayaasha Caalamka 82% Dhaqaalaha Ay Heystaan Waxaa Gacanta Ku Haya 1% Oo Dadkaasi Ah.
- Jan 22, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Hay’adda Oxfam ee laga leeyahay dalkaUK ayaa sheegtay in uu aad ...
Heerarkii Uu Soo Maray Khilaafka Taabit Iyo Kheyre (Biloow ilaa Dhamaad)
- Jan 21, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Thabit Cabdi oo ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u ...
RW Itoobiya Iyo Madaxweynaha Somaliland Maxay Ka Wada Hadleyn?
- Jan 17, 2018
ADDIS ABABA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ...
RW Kheyre Oo Xilka Laga Qaadi Doono (YAA LAGU BADALAYAA..?)
- Jan 15, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Illo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Raysal wasaare Kheyre ay ...