Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay (SAWIRRO)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo lagusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya  Mareykanka ayaa xilkan loo magacaabay dhowaan, waxaana la filayaa in isla maanta la dhaariyo isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Waxaa Wasiirka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Warfaafinta  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.