Wafdi Uu Hogaaminayo RW Kheyre Oo Gaaraya Magaalada Hobyo {UJEEDKA SOCDAALKOODA…?}

RW Xasan Cali Kheyre
RW Xasan Cali Kheyre

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Wafdi uu hogaaminayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Dowladd Goboleedka Galmudug.

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa xaqiijiyay Socdaalka RW Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee magaaladda Hobyo.

Wasiirka Dekadaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Qalab-Xoor oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in R/wasaaraha uu maanta tagayo hobyo, isla markaana uu xariga ka jari doono Wadada isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo dib-udhis lagu sameeyay iyo sidoo kale mashaariic kale oo halkaasi laga fulinayo.


RW Kheyre Oo Digniintii Ugu Dambeysay Siiyay Guddoomiye Yariisoow {XIISAD CULUS OO TAAGAN}


Ammaanka Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Amniga sugaya Ciidamadda Dowladd Goboleedka Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, waa Socdaalkii ugu horeeyay ee Ra’iisulwasaare Kheyre uu ku tagayo deeganadda Galmudug tan iyo markii xilka loo magacaabay February 2017-kii.


XOG: RW Kheyre Oo Isku Shaadheyn Ku Sameynaya Xukuumadiisa Iyo Wasiiro Culus Uu Eryi Doono {MAGACYADA IYO BEELAHOODA}