Waa Kuma Masuulka Xilka Sarre Ka Haya DFS Ee Dib Dalka Ugu Soo Celin Doona DP World? {DAAWO}

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay amray in guud ahaanba Soomaaliya laga saaro shirkadda DP World.

Shirkadan ayaa loo haystaa iney gashay heshiis aysan waxba kala socon dowlada Soomaaliya, iyadoo ku doodeysa in heshiiskaas ay la gashay Somaliland oo ay dal ahaan u aqoonsan tahay.

Laakiin, waxaa jira dalal Carabta ah oo doonaya iney dhex dhexaadiyaan Imaaraadka iyo Soomaaliya, kuwaas oo xariirkoodu gaaray meel aad u sareysa

AKHRISO: Dowlada Itoobiya Oo Ugu Digtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Inuusan Dacweyn Karin Imaaraadka Carabta.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmad Ciise Cawad  ayaa sheegey in dal ka tirsan ururka Jaamacada Carabta dhexdhexaadin doono wadanka Soomaaliya iyo Imaraadka isla markaana laga yaabo in khilaafkii DP World la dhameeyo taasoo la micno ah inuu u ololeynaayo kadib Cadaadis Dowlada Itoobiya Wasiirka kasoo koray in laga noqdo eryadii Shirkadaasi.

DAAWO WAREYSIGA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA 

Wararka ayaa intaas ku daraya in dalka Sacuudigu uu doonayo inuu dhex dhexaadiyo Soomaaliya iyo Imaaraadka si arintaan loo dhameeyo.

Si kastaba, dhawaan ayay ahayd markii ay dowlada Soomaaliya ay Jaamacada Carabta u gudisay dacwad ka dhan ah Imaaraadka, taas oo xaalada meel xun gaarsiisay.

DAAWO GO’AANKII BAARLAMAANKA DALKA UGU SAARAY SHIRKADA DP WORLD EE IMAARAADKA CARABTA