Shacabka Muqdisho Oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday Iyo Al-Shabaab Oo Weeraro Damacsan (XOG)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Warar ay si hoose u heshay XOGTA.NET ayaa waxay shegayaan in xilligaan cabsi aan caadi ahayn ay kusoo korortay magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in Al-shabaab ay falal amni xumo ah ka geystaan gudaha magaalada.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay dagaalyahanno badan gudaha usoo geliyeen si ay meello u weeraraan.

DFS oo xogta arrintaan heshay ayaa naloo sheegay in hadda iyaduna ay bannaanka keentay ciidamadii ugu badnaa abid si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa mar walba qorsheeya waxa ay ku dhaawici karaan DFS.