MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Guddoonka Baarlamaanka ayaa isugu yeeray xidhibaannada oo al ogeysiiyey inuu jiro kulankii caadiga ahaa ee Baarlamaanka maalinta Berri ah ee Isniinta.

Kulanka oo markii ugu horeysay uu guddoominayo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, ahna wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh ayaa la shaaciyey  in ajendihiisu uu yahay Hab-maamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika.

Kulanka Berri ka hor waxaa maanta kulan yeeshay Guddoonka Baarlamaanka oo ka kooban guddoomiyaha, labada ku xigeen iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka wadahadlay iskaashiga xukuumadda ee Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaaatee, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Galabta Golaha Wasiirada ka horjeediyay Xeerka Habmaamuska lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika iyadoo Golaha Wasiirada ay isla galabta Meelmariyeen Xeerka.

Mooshin Ka Dhan Ah Yariisoow Oo Xildhibaano Badan Diyaarinayaan {MAXAA LAGU HAYSTAA..?}



DAAWO: Guddoomiye Yariisoow Oo Cadeeyay Inuu Ka Shaqayn La’yahay Madax Ka Tirsan Dowladda {WAA KUWEE..?}