RW Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya “Looma Baahna In Dhiig Dad Soomaaliyeed La Daadiyo..”.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Puntland in ay joojiyaan dagaallada, wixii khilaaf ah ee u dhexeeyana ay ku dhammeeyaan wada hadal.

“Looma baahna in dhiig dad Soomaaliyeed la daadiyo, Looma Baahna in dhiig dad Muslim ah la daadiyo. Maanta waaya arag beynu dhowr iyo labaatan sano u nahay dhibaatada uu dagaal leeyahay. Dagaal waxaa la ogaaday in aan lagu kala adkaan karin. Walaalayaalow hala iska daayo in wax wanaag lagu heli karo lagu raadiyo dagaal iyo Cunfi”, ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa ugu baaqay odayaasha labada dhinac inay u istaagaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta dhincayada dagaalku u dhexeeyo si looga baaqsado dhiig kale oo daata.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Mas’uuliyiinta maamulada Puntland iyo Somaliland inay joojiyaan hadalada xanafta leh ee naceynbkaa iyo Cunfiga ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Si kastaba ha ahaatee, bartamihii bishaan ayay aheyd markii dagaal u dhaxeeyay ciidamada kala taabacsan Somaliland iyo Puntland uu ka qarxay deegaanka Tukaraq, waxaana labada dhinac ay wali isku hor fadhiyaan aaggaas oo ay ka jirto xiisad dagaal.