DAAWO: RW Kheyre Oo Magacaabay Wasiiradii Ka Banaanaa Xukuumadiisa {AKHRISO MAGACYADA IYO BEELAHOODA}

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Golihiisa Wasiirada, iyadoo illaa lix Wasiir cusub la magacaabay, Labo Wasiiru Dowle iyo Shan Wasiir ku-xigeen.

Wareegtada ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu dhameystiray xubnihii ka banaanaa Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa ka dhex muuqda xubno cusub, halka xubno horay xilalka qaar hayay loo kala bedelay.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta oo xilkan horay u soo qabtay waxuuna ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudi Carabiya.

Inkastoo 5 Wasiir ay ka banaaneyd Xukuumadda ayaa waxaa xilkii Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta laga qaaday Saadaq C/llaahi Cabdi oo xilkan loo magacaabay bishii August ee sanadkii hore, waxaana uu ahaa xilkii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa loo magacaabay C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey oo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu keensaday ayna Saaxiib iyo Qaraabo yihiin.

AKHRISO: Khilaaf Cusub Oo Ka Dhex Taagan Masuuliyiinta Sarre Ee Galmudug {MAXAA LA ISKU HAYSTAA..?}

HADABA HALKAN HOOSE KA AKHRISO MAGACYADA.

WASIIRADA LA MAGACAABAY

  1. Hassan Moalim Hussein – WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA.
  2. Hassan Ali Mahamed – WASIIRKA GAASHANDHIGA.
  3. Dahir Mohamud Gelle – WASIIRKA WARFAAFINTA.
  4. Abdiaziz Abdullahi Mohamed – WASIIRKA TAMARTA IYO BIYAHA.
  5. Hamza Said Hamza – WASIIRKA GARGAARKA IYO MASIIBOOYINKA.
  6. Abdifatah Mohamed Ibrahim Geesey – WASIIRKA HOWLAHA GUUD IYO DIB U DHISKA.

WASIIRU DOWLAYAASHA LA MAGACAABAY

  1. Dahir Abdi Abdullahi – Wasiir Dowlada Wasaarada Ganacsiga
  2. Mohamud Mohamed Bonow – WASIIRU DOWLAHA AMNIGA

WASIIR KU XIGEENADA LA MAGACAABAY

  1. Isxaaq Mohamed Mohamud – WASIIR KU XIGEENKA ARIMAHA GUDAHA.
  2. Adan Isxaaq Ali – WASIIR KU XIGEENKA WARFAAFINTA.
  3. Abdirahman Idan Yonis – WASIIR KU XIGEENKA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA
  4. Mohamed Saciid Abdullahi – WASIIR KU XIGEENKA CAAFIMAADKA.
  5. Abdirashid Mohamud Hassan – WASIIRKA KU XIGEENKA GARGAARKA IYO MAAREYNTA MASIIBOOYINKA

HALKAAN KA DAAWO MAGACAABISTA

FG: SAACADO KADIB AYAA IDIIN SOO GUDBINEYNAA BEELAHA AY KASOO JEEDAAN WASIIRADA, WASIIR KU-XIGEENADA IYOW WASIIRU DOWLAYAASHA LA MAGACAABAY EE XOGTA.NET MAR WALBA ISHA KU HAAY.

AKHRISO: Guddoomiye Yariisoow Oo Wareegto Afar Bilood Ka Hor Farmaajo Soo Saaray Fulinaya {MAXAA KU QASBAY XILIGAAN..?}