RW Kheyre Oo Digniintii Ugu Dambeysay Siiyay Guddoomiye Yariisoow {XIISAD CULUS OO TAAGAN}

BIDIX: Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisoow Iyo RW Xasan Cali Kheyre.
BIDIX: Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisoow Iyo RW Xasan Cali Kheyre.

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Warar hoose oo ay heleyso Shabakada Xogta Media ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulan gaar ah oo ay Albaabada u xiran yihiin la qaatay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow)

Kulankan uu dalbaday Ra’iisul wasaaraha markuu dalka dib ugu soo laabtay ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa in Digniin loo jeediyo Duqa Muqdisho maadaama Ra’iisul wasaaraha iyo kooxdiisa ay ka war heleen inuu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir wada shaqeyn dhow la leeyahay xubnaha ugu waa weyn Mucaaradka Dowlada oo qaarkood uu gacan-yaraal ka dhigtay kuwana Shaqooyin siiyay oo Lacago u qoray.

Eng. Yariisow ayaa si aan gabasho laheyn xafiiskiisa ugu qaabilay Xubno ka socda Mucaaradka, waxaana taasi ay caro galisay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.


Mooshin Ka Dhan Ah Yariisoow Oo Xildhibaano Badan Diyaarinayaan {MAXAA LAGU HAYSTAA..?}


Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa iska fogeeyay waxyaabaha qaar oo Xildhibaanada iyo wasiiradda kasoo gudbiyeen wuxuuna sheegay in arintan ay ka badbadiyeen dad dano gaara ka leh, isagana uu ka shaqeynayo danta dalka iyo dadka.


DAAWO: Yariisoow Oo Qalbi Dhagax Iyo ONLF Ku Tilmaamay Argagaxiso {MAANTA MAXUU KU HADLI DOONAA..?}


XOG: RW Kheyre Oo Isku Shaadheyn Ku Sameynaya Xukuumadiisa Iyo Wasiiro Culus Uu Eryi Doono {MAGACYADA IYO BEELAHOODA}


Duqa Muqdisho Oo Calaacalay Cafisna Ka Dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka {AKHRISO}