RW Kheyre Oo Amar Ku Bixiyay In Idaacado Iyo TV Gaar Loo Leeyahay Albaabada Loo Xiro (SABABTA AKHISO)

MUQDISHO(XOGTA.NET) – Ilo xog-ogaal ah aya u xaqiijiyay Shabakada XOGTA.NET  in RW Xasan Cali Kheyre uu amar ku bixiyay in albaabada loo xiro Idaacado dhowr ah madax banaan.

Illo a wareedyada ayaa XOGTA MEDIA u sheegay in uu socdo qorsho in dhaweydba socday in la albaabada loo xiro Saxaafadda aanan ku hadlin afka xukuumadda iyado RW Kheyre iyo Fahad Yaasiin ay amar ku bixiyeen Idaacado dhowr ah in albaabada loo laabo, kuwaaso ay ka mid yihiin Radiyaha iyo TV-ga Goobjoog, iyado lagu eedeeyay in ay qeyb weyn ku lahayeen kicinta shacabka iyo buunbuuninta waxa uu ugu yeeray falal qaran dumis ah.

Xogta ayaA sheegeysa in Xeer Ilaaliyaha Qaranka lagu wado in uu dhawaan soo saaro amaradii lagu xiri lahaa idaacado dhowr ah oo Goobjoog ay ugu horreeyso.

Ila wareedyada aya intaa ku daraya in ay jiraan idaacado kale la siinayo digniino kama danbeys ah kuwaaso haddii ay u hoggaansami waayeen taageerada dowladda RW Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo iyagana albaabada loo xiri doono.

Waxa maalintii shalay ahayd amar uu bixiyay RW Kheyre iyo Fahad Yasin albaabada la isugu dhuftay goob ganacsi iyo xafiis uu ku laha Xil. Caddow Cali Gees gudaha dekedda magaalada Muqdisho.

Waxa bilowday saan-saan Diktatooriyo ku dhisan oo Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ay rabaan in ay xoog ku maquuniyaan cid walba oo aay u arkaan in ay kasoo horjeeddo Siyaasaddooda.

Ilaa hadda waxaan la ogeyn la ogeyn go’aanka ay qaadan doonaan Xildhibaanada BJFS iyo ganacsatada Gobolka Banaadir oo bilaabay shirar gooni gooni ah.