Puntland Oo 10 Sanno Magaalo Ka Maqan Guddoomiye U Magacowday.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, ahna ku simaha madaxweynaha, C/xakiin C/laahi Camey ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu duqa magaalada Laascaanood ugu magacaabay Abdiqani Makhtal Maxamed Garaad.

Camey ayaa sheegay in markii uu la tashi badan sameeyay, arkayna in la dardargeliyo howlaha shaqo ee magaaladaasi inuu gartay in Cabdiqani xilkaan loo magacaabo.

Sidoo kale, waxaa wareegtadan xilkii looga qaaday duqii hore ee Puntland ugu magacawnaa magaaladaasi C/dalle Xaaji Warsame.

Laascaanood waxaa gacanta ku haya Tobon Sano Ku Dhawaan Somaliland, waxayna tani sii hurin kartaa xiisadda maalmihii ugu dambeysay ka dhaxeysay maamullada Puntland & Soomaaliland.

8ddii February 2018 Ciidamada Somaliland Ayaa Si Nabdoon ku qabsaday degaanka Tukarraq oo hoostaga Laascaano.