Prof. Jawaari Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Xil Ka Qaadistii Xoghayaha Barlamaanka (AKHRISO)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari ayaa qoraal uu soo saaray una kala direy qaar kamid ah hay’adaha dowlada waxa uu ku sheegay inaysan waxba ka jirin xilka qaadis uu ku sameeyay xoghayaha guud  ee golaha shacabka  guddoomiye ku xigeenka 1aad.

 

Qoraalkan ayuu ku sheegay Jawaari in magacaabista iyo xilka ka qaadista xoghayaha guud ay tahay mid uu awoodeeda leeyahay Guddoomiyaha golaha shacabka sidaas awgeedna aysan waxba ka jirin xilka qaadista uu sheegay in guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka  Cabdiweli Muudey uu ugaga qaaday xilka xoghayah guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux,

AKHRISO Qoraalka ka soo baxay Guddoomiye Jawaari.

AKHRISO qoraalka Guddoomiye ku-xigeen Cabdiwali Muudeey uu shaqada ugu joojiyay Xoghaye Cabdikariim Buux.