Nuqul Kamid Ah Xeerka Barlamaanka Somalia Dalka Ugu Mamnuucanayaan DP World Oo Helnay (AKHRISO)

Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow la filayaa inuu xeer ka soo saaro Heshiiskii Dekeda Berbera ee muranka badan dhaliyay, iyadoo xeerkan cinwaan looga dhigay “Xeerka dhowrida Gobonimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed”

 

Xeerkan oo dhowr qodob ka kooban ayaa lagu eedeynayaa Shirkadda DP World inay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba dalka laga mamnuucayo DP World.

Heshiis kasta oo caalami ah ayaa la sheegay inay geli karto Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay sharci ahaan loo soo marisiinayo Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale waxaa uu xeerkan waxba kama jiraan ku tilmaamayaa dhamaan heshiisyadii ay gashay Shirkadda DP World ee gudaha Soomaaliya.

Inkastoo aanu wali ansixin Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hadana qodobada qaar ee xeerkan ay yihiin kuwo culus, iyadoo lagu farayo Ra’iisul Wasaaraha inuu xeerkan gaarsiiyo Madaxa Xukuumadda dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta.

Waxaa kaloo xeerkan lagu xusay in marka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka uu Madaxweynaha ku meel marin doono xeer Madaxweyne, laguna soo saari doono faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Halkan hoose ka akhriso Xeerka Baarlamaanka oo horudhac ah