Ninkii Aasaasay WikiLeaks Oo La Siiyay Dhalashada Dalka Ecuador (SABABTA AKHRISO)

LONDON (XOGTA.NET) – Dowlada Ecuador ayaa siisay dhalashada dalkeeda Aasaasaha shabakada siraha kashifta ee WikiLeaks Julian Assage kaasoo muddo shan sano ah magangalyo ku jooga safaarada ay ku leedahay magaalada London.

Wasiirka Arrimaha Dibada Ecuador Maria Fernanda Espinosa ayaa sheegtay in 12kii Bishii December uu soo codsaday in la siiyo dhalashada Ecuador Assange oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Australia dowlada Ecuadorna ay ka aqbashay codsigaas.

Hase yeeshee dowlada Britain ayaa diiday in ay aqbasho codsi ugaga yimid dowlada Ecuador oo ahaa in Assange loo tixgeliyo diblumaasiyanimo taasoo ka dhigeysa in aan la xiri karin.

Dowlada Ecuador ayaa siisay magangalyo siyaasadeed Assange kadib markii uu galay safaaradeeda ku taal magaalada London sanadkii 2012kii,isagoo doonayay in uu ugaga badbaado eedeymo ay dowlada Spain ku eedeysay kufsi, balse Assange ayaa beeniyay eedeyntaas.

Xeer ilaaliyaasha Sweden ayaa hase ahaatee bishii May ee sanadkii hore waxa ay ka laabteen baaritaanka dacwada lagu soo oogay Assange balse waxaa Booliska Britain ay ku soo oogayaan Julian dacwad ah inuu jebiyay damiin lagu sii daayay.

Si kastaba ha ahaatee, Julian Assange ayaa waxaa sidoo kale uu ka baqayaa in loo gacan geliyo dowlada Maraykanka isla markaana lagu qaado dacwado la xiriira daabicida kumanaan dukumintiyo sir ah oo milatariga Maraykanka iyo sirdoonka Maraykanka uu soo bandhigey.


Nagala Xiriir E-mail Info@xogta.net

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

RW Kheyre Oo Shirweyne Caalami Ah Ka Qeyb-galaya.
- Jan 23, 2018
NAIROBI (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay u amba ...
Madaxweynaha Somaliland Oo Hanjabaad Culus Diray.
- Jan 23, 2018
HARGAYSA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ...
Geedi “Maqaamka Muqdisho Waa Mid Dastuuri Ah Oo Waajib Ku Ah Qof Kasta”.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in ...
Xil. Dhuxuloow Oo Ka Digay Bog Facebook Ah Oo Magaciisa Lagu Samaystay Looguna Gafay Dad Badan.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka ...
AKHRISO: Hantiilayaasha Caalamka 82% Dhaqaalaha Ay Heystaan Waxaa Gacanta Ku Haya 1% Oo Dadkaasi Ah.
- Jan 22, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Hay’adda Oxfam ee laga leeyahay dalkaUK ayaa sheegtay in uu aad ...
Heerarkii Uu Soo Maray Khilaafka Taabit Iyo Kheyre (Biloow ilaa Dhamaad)
- Jan 21, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Thabit Cabdi oo ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u ...
RW Itoobiya Iyo Madaxweynaha Somaliland Maxay Ka Wada Hadleyn?
- Jan 17, 2018
ADDIS ABABA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ...
RW Kheyre Oo Xilka Laga Qaadi Doono (YAA LAGU BADALAYAA..?)
- Jan 15, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Illo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Raysal wasaare Kheyre ay ...