Muuse Biixi Oo Xiligaan Munaasab Inaysan Aheyn Tilmaamay Wada-Hadal Ay La Yeeshaan Dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi

HARGEYSA (XOGTA.NET) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Wareysi gaar ah siinayay TV Hon Cable xaruntiisa Magaaladda Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ugu horeyntii ka hadlay arinta wada-haalka Somali-land iyo Soomaliya ayaa sheegay in ay dib u dhigeen wadahadaladii ay la gali lahaayeen Soomaaliya.

“Waayo yaan la hadalnaa, ma cid aan jirintaankeena aqoosaneyn, Annaga waxa aan dooneyno waa in aan isku soo hor fariisano sidii labo dowladood oo kale, iyaguna taa ma ogola, marka dowladda Soomaaliya iyo gobol Soomaaliya ka tirsan oo kale miyaan u wada hadalnaa’’ ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somali-land ayaa sheegay in go’aan saxan uu ahaa qaabkii dowladda Turky-ga loogu wareejiyay wada-hadalkii Somali-land iyo Soomaliya, isaga oo sheegay in ay ku fashilmeen wadahadalladii horay labada dhinac u dhaxmaray.

Muuse Biixi ayaa si adag ugu hadlay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Dekedda Berbera, kaasi oo sidoo kale xumeeyay xiriirka Soomaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaliya oo heshiiska kasoo horjeysatay aysan awood u laheyn in ay tagto Magaaladda Ber-bera.

‘’Horta waxaa is weydiin leh Berbera yaa maamula, kuwa leh heshiiska ayaa ka soo horjeednaa ma imaan karaan Berbera, marka meel aan gacantaada ku jirin oo aadan tagi karin in aad ka hadasho maamulkeeda waa ayaa darro, Annaga kama hadalno waxa ka socda dekedda Kismaayo, kama hadalno tan Boosaaso, waayo waan ixtiraameynaa oo labo dowladdood oo jaar ah ayaan-nahay,’’ ayuu yiri Muuse Biixi.