MUQDISHO: Qarax Khasaaro Xoogan Gaystay Oo Caawa Dhacay.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa fiidkii ka dhacay agagaarka Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan, kaasoo lala eegtay ciidamo wadada marayay.

 

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal ruux uu ku dhintay, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, sida dad goobjoogayala ay sheegayaan.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inuu ka gudbay goobta ka hor inta aanu qaraxa dhicin.

Khasaaraha ugu badan ayaa waxaa uu ka soo gaaray dad ka soo baxay Masaajid ku dhow agagaarka Isgoyska Sanca.

Qaraxa caawa fiidkii ka dhacay Isgoyska Sanca ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta magaalada Muqdisho aheyd xaalad ciidan oo jidad badan oo magaalada ka mid ah la xiray, ammaankana uu ahaa mid aad loo adkeeyay.