Maxaad Kala Socotaa Ujeedada Boqor Buurmadoow Mar Kale Maxkamad Hargeysa Loo Soo Taagay..?

Boqor Cismaan Aw- Maxamuud Buurmadow
Boqor Cismaan Aw- Maxamuud Buurmadow

HARGEYSA (XOGTA MEDIA) – Boqor Cismaan Aw- Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah hogaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, si wayna caan uga ah deegaamada Somaliland ayaa ka qaatay racfaan xukun ay bishii lasoo dhaafay ku riday maxkamadda Hargaysa oo shan sano ahaa.

Xukunka ayaa yimid, kadib markii lagu soo oogay inuu wax u dhimay wax ay maxkamadda ugu yeertay qaranimada Somaliland, kadib markii uu ka sheegay munaasbad kadhacday degmada Carmo ee Puntland farriin uu udiray Puntland iyo Somaliland oo kusaabsan in la kala qaado ciidamada isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Wararkii ugu dambeeyey ee la helay ayaa sheegaya in boqor Buur-madaw uu mar kale kasoo muuqdo maxkamadd Racfaanka ee Hargaysa May 08 , sida ay xaqiijiyeen qareenada u doodaya boqorka.


Mooshin Ka Dhan Ah Yariisoow Oo Xildhibaano Badan Diyaarinayaan {MAXAA LAGU HAYSTAA..?}


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani oo kajira deegaanada Soomaaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo lahadlayey boqolaal ruux oo reer Soomaaliland ah ayaa ka hadlay xariga Soomaaliland u geysatay boqor Cisamaan Maxamuud Buur-madaw oo kamid ahaa Isimada Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Buur-madaw uusan u xirnayn arrin la xiriirta socdaalkii uu dhowaan ku tegey deegaamada Puntland, haseyeeshee loo xiray arrimo la xiriira khilaaf ka dhexeeya xisbiga talada Soomaaliland haya ee Kulmiye.


XOG: RW Kheyre Oo Isku Shaadheyn Ku Sameynaya Xukuumadiisa Iyo Wasiiro Culus Uu Eryi Doono {MAGACYADA IYO BEELAHOODA}


Gudoomiye Cirro, ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliland iyo xukuumaddiisu ay Boqor Buur-madaw la ogaayeen socdaalkiisii Puntland markii uu baxayeyna lagu sagootiyey Hargaysa oo markii uu yimid dib loogu soodhoweeyey, uuna ka sheegay Carmo inuu soo diray Muuse Biixi.

Ugu dambeyntii, waxa uu xariga Boqorka ku sababeeyey khilaaf kala dhexeeya Muuse Biixi oo uu sheegay inuu uga baxay heshiiskii uu kula galay inuu ku wareejin doono talida xisbiga Kulmiye marka uu ku guulaysto xilka madaxweynaha maamulka Soomaaliland.