Maxaa Kala Socotaa Sababta DFS U Laashay Heshiishkii Shirkada SKA Ee Muqdisho Ka Howl-Galeysay..?

SHIRKADDA SKA
SHIRKADDA SKA

MUQDISHO  (XOGTA.NET) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay Caawa ku shaacisay in la laalay Heshiis ay Wasaaradda Gaashaandhigga la gashay Shirkadda SKA ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta.

Qoraal uu soo saaray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Iidan Yoonis ayaa lagu sheegay in heshiiska saxaafadda laga sheegay in lala galay shirkadda SKA uu yahay sharci darro oo lagu laalay baaritaan lagu bilaabay, lana hor keeni doono faahfaahintiisa shirka ugu horeeya Golaha Wasiirada.

AKHRISO QORAALKA DOWLADA SOOMAALIYA