Masuul Ka Tirsanaa Dowlada Soomaaliya Oo Meydkiisa Laga Helay Hotel Ku Yaala Muqdisho {WAA KUMA..?}

Marxuum Cimaan Abshir Cigaal
Marxuum Cimaan Abshir Cigaal

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Allaha u Naxariistee Cimaan Abshir Cigaal oo ahaa rug caddaa muddo ka badan 50 sano ka soo shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya, ayaa meydkiisa laga helay Hoteel Kuwait oo ku yaala Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah Shaqaalaha Hoteelka, mas’uulka ayaa mudooyinkii dambe daganaa hoteelka, waxaana  la arkay isagoo meyd ah.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, iyo Mas’uuliyiinta wasaaradda waxa ay tacsi u direen ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Osman Abshir Egal Yay, Agaasimihii Waaxda sharciyada iyo keydinta qoraallada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Osman Abshir Egal Yay oo ka qalin jebiyay Kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Shevchenko ee Magaalada Kiev ee caasimadda Ukraine, Waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka shaqa billaabay sanadkii 1971, isaga oo noqday sharci yaqaan ka howlgalayay Waaxda sharciyada iyo heshiisyada, kadib waxa uu noqday sarkaal hab maamuus.