TUKARAQ (XOGTA MEDIA) – Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo dhimasho badan dhaliyey oo maanta degaanka Tukaraq ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa sheegatay in dagaalka oo socday saacado badan oo ay ku ileen askar badan oo Somaliland ka tirsan oo ay ku jiraan saraakiil, isla markaana ay gubeen saldhigii ciidamada Somaliland ee Tukaraq iyadoo qabsaday  degaankaasi.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay in inay ku dhowdahay 40 askari oo labada dhinac ah iyo dhaawaca in ku dhow 100, waxaana dhinaca Puntland laga qabsaday saddex gaari oo ku wadagaalka ah, halka Somaliland laga qabsaday laba Gaari oo uu ku jiro Beebbe.

Puntland ayaa xaqiijisay 17-askari looga dilay dhinacooda, lagana dhaawacay 34-kale. “Ciidanku waxay duhurnamadii maanta Gudaha u galeen Tuulada Tukaraq laakiin waxay galinkii dambe maanta uga ruqaansadeen Dhinaca Galbeedka halkasoo ay isku urur sanayeen Maleeshiyaadkii laga saaray Magaalada, Waxaana halkaas ka bilowday Dagaal socdey Sadex saac Ilaa makhribkii dagaalku istaagay” ayuu lagu yiri war kasoo baxay Maamulka Puntland.

Puntland waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Afar gaari oo ah Nuuca Dagaalka, halka ay Gubeen 9-kale, Dhankoodana 6-Gaari dagaal oo uu ku jiro Taangi Khasaare ay waxyeelo ku gaartay Dagaalka, waxa ayna Meesha ka saareen Gaadiid laga qabsaday.

Dhanka kale, Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ee dhex maray ciidamada maamulkaasi iyo kuwa Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa Qoraal dheer oo uu saaray ku sheegay in Ciidamada Somaliland ay jab gaarsiiyeen ciidamadii soo duulay ee Puntland.

QORAALKA HOOS KA AKHRISO

Sida laga yaabo inaanay dadwaynaha reer Somaliland ka warqabin ciidanka maamulka cagajiidka ah ee soomaaliya ayaa shalay oo ay bishu ahayd 14-kii May dhanka koonfureed ee magaalada Tukaraq kaga soo qaaday weerar ciidankanka Qaranka JSL ee uu fadhigiisu yahay jiidda hore. Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL waxa la gaadhsiiyey dhirbaaxo kulul oo cashar u noqon karta maamulka Soomaaliya ee daandaansiga ka wada deegaannada Somaliland.

Iyaga oo ka faa’iidaysanaya maalinta dabaaldegga xuska sannad guuradii 27 aad ee qaranimada Somaliland ayay haddana saaka abbaaro todobadii subaxnimo weerar dhanka bari iyo dhanka koonfureedba kaga soo qaadeen ciidanka Qaranka JSL. iyaga oo aan ku xisaabtamin in ciidanka Qaranka JSL dhinacna uu dabbaaldeg ka wado dhinacna uu heegan u yahay difaaca qaranka, waxaana halkaa lagu gaadhsiiyey ciidankii nacabka khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalkaas oo soconayey 5 saacadood waxaa nacabka laga gubay tikniko badan, iyada oo gacanta lagaga dhigay shan baabuur iyo hal taangi, waxa kale oo gacanta lagaga dhigay maxaabiis farabadan, waxaana dib looga qabsaday halkii ay ka soo hinqadeen.

Haddaba, waxaanu caalamka nabadda jecel u sheegaynaa in aanay waxba ka jirin wararka ku-tidhi ku-teenka ah ee uu Taliska taagta daran ee Soomaaliya warbaahinta ku sheegay in ay Somaliland weerarka ku horaysay.

Ugu danbayntii, dawladda Somaliland waxa ay caddaynaysaa in ay soo dhawaynayso deris wanaagga iyo nabad kuwada noolaanshaha dalalka deriska. Hayeeshee mar kale u dulqaadan mayso daandaansi, xasarad iyo xad gudub joogto ah oo lagula kaco dadka iyo dalka JSL.

 

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalka oo laga cabsi qabo inuu mar waliba dib u qarxo  ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee labada dhinac dhex mara labada maamul.