KASHIFAAD: Wiilashii Ciidamada DFS Ku Dileen Suuqa Bakaaraha Oo Al-Shabaab Noqon Waayay.

SUUQA BAKAARAHA EE MAGAALADA MUQDISHO
SUUQA BAKAARAHA EE MAGAALADA MUQDISHO

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Waalidiinta labo Wiil oo ay shalay Ciidamada Amniga Dowlada Soomaaliya ku dileen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa Saxaafadda u sheegay in dadkii la dilay ay ahaayeen Shacab iyo Ciidan, xili ay Dowladda Soomaaliya sheegeen iney dileen Rag Al-Shabaab ahaa.

Cali Maxamed Mire oo Adeer iyo Abti u ah labada Wiil ayaa Saxaafadda u sheegay in Wiilasha la dilay oo lagu kala Magacaabo MOWLIID AXMED MAXAMUUD iyo C/Qaadir Xersi Aadan Salad ay kala ahaayeen Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Guutada Dal-jir iyo Time Jare Caan ka ah Xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

RW Kheyre Oo Magacaabay Wasiiradii Ka Banaanaa Xukuumadiisa {AKHRISO MAGACYADA IYO BEELAHOODA}

Si kastaba ha ahaatee, Waalidiinta dadka la dilay ayaa sheegay iney haayaan Cadeymo Wiilasha la dilay, ayna dalbanayaan in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo, waxa uuna eedeen usoo jeediyay Wasaaradda Amniga.