NAIROBI (XOGTA MEDIA) – Waxaa bishii February dhamaadkeeda eee sannadkaan 2018 Dhul wayn ka iibsaday magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Killimani Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Dhulkaan oo ah mid maran oo aan waxba ka dhisnaynin xiligaan ayaa dowlada hoose ee degaanka Nairobi  ku qiimaysay in uu noqon koro mid Ganacsi, taas oo macnaheedu tahay in laga dhisi  karo rugo Ganacsi, Deegaan oo ay Dadku degaan.

Dhulkaan oo ay dalaaalin ka ahaayeen labo qof oo kala Kiinyaati iyo Hindi , ayaa lacagta lagu gatay waxaa lagu bixiyay si cadaan ama “Cash” iyada oo la soo mariyay qaarka mida Xawaaladaha Soomaalida si Tartiib tartiib ah, qaarna Muqadishu looga soo bixiyay iyada oo Boorsooyin ku jirto.

Nuqul laga helay dadkii laga iibiyay Dhulka oo ah dad Keenyaan ah oo ay heshay barta GUNDHIGA ayaa cadeeynayo cida laga iibiyay iyo  sadaxda qof ee marqaatiga ka noqotay.


DAAWO: Yariisoow Oo Qalbi Dhagax Iyo ONLF Ku Tilmaamay Argagaxiso {MAANTA MAXUU KU HADLI DOONAA..?}


Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, waxaa qayb wayn ka geeystay iibinta dhulka Xildhibaanka Aqlabiyad leh ee dalka Kenya Adan Bare Ducaale oo Walaalkiis la soo mariyay qaar ka mid ah lacagta dhulka lagu iibiyay iyadoo la xaqiijiyay in Xildhibaan Aadan Barre Ducaale Walaalkiis iyo Gabadha u qabo adeerkeed ay qayb ka yihiin heshiiska dhulka lagu kala iibsaday.

Fahad Yaasiin ayaa waxa uu xiriir hoose la leeyahay Xildhibaan Adan Bare Ducaale, waxaana Fahad iyo kooxdiisa ay bixiyaan Lacag joogta ah oo la soo mariyo Ganacsato Soomaali Keeenyaan ah  si aan loo ogaan lacagta asalkeeda meesha ay ka timid.


XOG: RW Kheyre Oo Isku Shaadheyn Ku Sameynaya Xukuumadiisa Iyo Wasiiro Culus Uu Eryi Doono {MAGACYADA IYO BEELAHOODA}


Ujeedada bixinta Lacagtaas ayaa ah in lagu difaaco Danahiisa gaarka  ah madaamo uu sheegto in uu yahay Muwaadin Kenyan ah oo been abuur ku helay sharciga dhalashada dalka Kenya.

Laba Toddobaad ka hor ayay ahayd markii Fahad Yasin uu isku keenay Aadan Barre Ducaale iyo safiirka Qatar u Fadhiya Kenya.


Mooshin Ka Dhan Ah Yariisoow Oo Xildhibaano Badan Diyaarinayaan {MAXAA LAGU HAYSTAA..?}


Xildhiban Adan Barre Ducaale oo isku qaban-qaabinaayo in uu isku sharaxo Madaxweyne Doorashada la filaayo in aay ka dhacdo dalka Kenya 2021, waxaana Fahad Yaasiin uu ka shaqeynaya sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen Xil. Adan Barre Ducaale iyo Dowladda Qatar.

Amb. Jabor bin Ali Al-Dosari, and Hon. Aden Barre Duale. Nairobi. April 10, 2018
Amb. Jabor bin Ali Al-Dosari, and Hon. Aden Barre Duale. Nairobi. April 10, 2018

Toddobaad ka hor ayaa ay ahayd markii Aadan Bare Ducaale Idaacada BBC qaybteeda Afka Soomaaliga uu ka sheegay in Mucaaradka Dowlada Soomaaliya ayan iimaan karin dalka Kenya kuna qabsan karin kulamo looga soo horjeedo Dowlada Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Xassan Kheyre ayaa Ummadda Soomaaliyeed u sheegaya in ay la dagaalamayaan Musuq-maasuqa, hantida Shacabka Soomaaaliyeed laga soo ururiyay iyo tii magaceeda lagu soo qaaday waxaa guryo ku dhisinaya Fahad Yasin iyo Kooxidisa Qayaano Qaran.

XIGASHO: WWW.GUNDHIGA.COM