Jawaari Oo Kursigiisa Ku Badashay Hal Arrin (WAA MAXAY…)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Guddoomiyihii golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ee saakay is casilay ayaa hal arrin ku bedashay Kursigiisa kadib kulan uu la yeeshay Farmaajo iyo Kheyre.

Xog aan helnay ayaa waxay sheegayaan in Jawaari la siiyey 10 Milyan oo doolar, kadib markii la arkay in awooddiisa ay aad u sarreyo oo uu haysto xildhibaanno isaga difaaci kara.

Xubno ku dhow Jawaari ayaa inoo sheegay in lacagta iyada oo Kaash ah gacanta loo geliyey, islamarkaana kadib isna qoray warqadda is casilaadda.

Durba lacagtan waxa uu isla saakay ku shubtay Akoon uu ku leeyahay Yurub, isaga oo ka baqay in looga daba yimaado.

Jawaari ayaa markii hore dalbanayey lacag dhan 5 Milyan, hase ahaatee markii uu arkay in aan  la ridi karin, Farmaajo iyo Kheyrana ay ka go’an tahay kaliya in ninkan eryaan ayuu lacagta ku darsaday waana uu helay.

“Ugu Dambeyn Jawaari Waa Uu Baxay”