Isbaheysi Mucaarad Xoogan Ku Ah Axmed Madoobe Oo Muqdisho Loogu Dhawaaqay {YAA HOGAAMINAYA..?}

C/llaahi Ciilmooge Xirsi Guddoomiyahaha Isbaheysiga Dib U Soo Nooleynta Dimoqraadiyadda Jubbaland.
C/llaahi Ciilmooge Xirsi Guddoomiyahaha Isbaheysiga Dib U Soo Nooleynta Dimoqraadiyadda Jubbaland.

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysi cusub oo mucaarad ku ah Maamulka Axmed Maxamed Islaamin (Madoobe), kaasoo ka shaqeyn doonta sidii xilka looga tuuri lahaa.

Isbaheysigan ayaa lagu magacaabay: Dib u soo Nooleynta Dimoqraadiyadda Jubbaland, waxaana Guddoomiye ka ah C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo hore u soo noqday Wasiirkii Warfaafinta Xukuumaddii hore, isla markaana u ahaa musharax xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Jubbaland.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay gadaal ka riixeyso isbaheysigan iyadoo mudadda xil heynta Axmed Madoobe ay ku dhammaaneyso aakhirka sanadkan.

SAWIRRO: Dowlada Itoobiya Oo Axmed Madoobe La Kulansiiyey Qalbi Dhagax {WEJI GABAX KA DHAN AH DFS}

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe ayaa taageero ka heysta dowladaga Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka, wuxuuna isu muujiyaa inuu taageero dowlada Soomaaliya.

Axmed Madoobe Oo Noqday Hoggaamiyihii Ugu Horeeyay Ee La Kulma RW Cusub Ee Dalka Itoobiya {SAWIRRO}