Haweeneey Madaxweyne Ka Ahayd Koonfurta Kuuriya Oo 24-Sanno Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay.

SEOUL (XOGTA MEDIA) – Madaxweynihii hore ee Koofur Kuuriya Park Geun-hye ayaa lagu xukumay 24-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay kiisas culus oo ah laaluush, musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed, intii ay xukunka heysay.

Dacwada loo heystay Haweeneyda Madaxweynaha ka soo noqotay Koofur Kuuriya ayaa soo taxneyd 10-kii bil ee u dambeeyay, waxaana lagu helay dacwado ah inay lacago ka qaadatay shirkadaha Ganacsiga ee dalkaas.

Xilliga xukunka dhacayay ayaa toos looga daawanayay Telefishinka, waxaana la soo bandhigay cadeymi muujinaya fadeexad ah sida shirkadaha Ganacsiga ee waa weyn iyo siyasadda ay isku milmeen.

Waxaa laga yaabaa inay racfaan ka qaadato xukunkan muddo todobaad gudihiisa, sida uu u dhigayo sharciga Koofur Kuuriya.

Si kastaba ha ahaatee, Taageerayaasheeda ayaa ka carooday xukunka ku dhacay haweeneydan Madaxweynaha ka soo noqotay Koofur Kuuriya.