Haweeneey La Sheegay Inay 11-nin Mar Kaliya Wada Guursatay Oo Dhagax Lagu Dilay (AKHRISO)

SABLAALE (XOGTA.NET) – Fagaare ku yaal degmada Sablaale ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta xukun dhagax ku dil ah lagu fuliyay haweeney lagu eedeeyay inay hal mar isla guursatay 11 nin.

Haweeneyda Xukunka saaka lagu fuliyay ayey Al-Shabaab ku sheegeen Magaceeda Shukri Cabdullahi Warsame oo 30 sano jir waxaana uu sheegay garsoorihii dacwada qaadayay in ay qiratay dambiga lagu soo oogay.

Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in Shukri aysan wax cudur daar ah ka bixin falkaas kuna qanacsaneyd Xukunka dhagax dilka ah ee lagu fuliyay.

Goobta fagaaraha ee lagu dilay Haweeneydan waxaa joogay boqolaal dadka degaanka ah oo la yaabanaa dacwadda lagu helay gabadhaas oo la xiriirta in ay hal mar wada guursattay 11 Nin oo aan iska warqabin.

Shukri ayaa waxaa isku qabsaday laba nin oo mid kasta uu ku doodayey in ay Xaas u aheyd waxaana markii dambe soo baxay Rag kale oo iyaguna sheegtay in shukri ay u dhaxday oo xaas ay u ahayd sida laga soo xigtey warbaahinta taageerta ururka Al-shabaab.

Shukri Cabdullaahi oo hooyo u ahayd 8 carruur ah, waxaana ka dhintay hal nin mid kalana wuu furay, iyadoo haatan si qarsoodi ah xaas ugu ahayd 9 Nin sida laga sheegay goobta uu ka dhacay xukun oo ay usoo daawasho tageen dad badan oo ku dhaqan Sablaale sida uu sheegay garsoorihii qaadayay dacwada gabadhan.

Si kastaba ha ahaatee, Degmada Saakow ayaa hore waxaa xukun dhagax ku dil ah loogu fuliyay haweeney la oran jirey Xabiibo Cali Isaaq oo lagu eedeeyay inay labo nin isla guursatay.