MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa kulamadiisii ugu horeysay la yeeshay Guddiyada Baarlamaanka qaarkood.

Guddiyada uu la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah guddiga difaaca ee golaha iyo guddiga dib u heshiisiinta, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta guddoomiyaha cusub iyo guddiyada joogtada iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha muhiimka ee golaha horyaalla.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha ayaa warbixin la xiriirta shaqooyinka guddiyada iyo howlaha hada horyaalla ka dhageystay masuuliyiinta guddiyadaasi, isagoo kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa wasaaraha ay shaqo wadaaga yihiin.

Xarunta KMG Ah Ee Baarlamaanka Soomaaliya Ooo Dhismaheeda Ka Bilowday Muqdisho {SAWIRRO}

DAAWO SAWIRADA KULANKA 


Mooshin Ka Dhan Ah Yariisoow Oo Xildhibaano Badan Diyaarinayaan {MAXAA LAGU HAYSTAA..?}