Farmaajo Oo Su’aalo Adag Hor Dhigeen Guddi Jawaari Usoo Xulay Arrinta Mooshinka

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO GUDDOOMIYE JAWAARI
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO GUDDOOMIYE JAWAARI

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaatay guddi ka kooban 7 xubnood oo ka socday dhanka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Kulankaasi oo saacado qaatay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu la qaatay xubnaha Guddiga ee Jawaari matalayay.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in seddex sharuud oo adag ay xubnahaan u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo kala  ah:

1 In meesha laga bixiyo xubnaha Mooshinka ka keenay Jawaari
2 In dib u heshiisiin lagu dhameeyaa khilaafka oo isku dhaf la sameeyo
3 In Codka sanduuq ah lagu kala baxo

Qaar kamid xildhibaanada ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu u sheegay xildhibaanada in wadahadal lagu dhameyn doono Khilaafka, balse marka hore uu doonayo inuu kulan la qaato Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaana aqbalay, waxaana xalay kulan wada qaatay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, walow aan la ogeyn waxyaabaha rasmiga oo ay ka wada hadleen labada dhinac.