Farmaajo Maxaa Sababay Inuu Xalay Seexdo Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga (XOG)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku hoyday xalay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waana markii ugu horreysay burburkii kaddib uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku hoydo xaruntaas.

Sababta uu Madaxweynuhu ugu hoyday Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa wararku sheegayaan inuu kulamo joogto ah la yeesho Saraakiisha iyo Hoggaamada Ciidanka Xoogga si la iskugu dubba rido Ciidanka Qaranka oo u diyaar garoobay inay Al-Shabaab dalka ka xoreeyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyayaasha Booliska iyo Nabadsugidda, Abaanduulaha Ciidamada Xoogga iyo Hoggaamida Ciidanka Xoogga ayuu Madaxweyne Farmaajo kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah la lahaa shalay, si loo dhammeystiro abaabulka dagaalka ay ciidamada Qaranku kaga sifeyn doonaan Alshabaab.

Waa markii shanaad uu Madaxweyne Farmaajo ku shaqeeyo Wasaaradda Gaashaandhigga, waana markii u horreysay uu u hoydo, taasina waxay tilmaamaysaa in ay Madaxweynaha ka go’antahay inuu dalka ka xoreeyo aragagaxisada Al-Shabaab iyo in Soomaaliya laga dhaliyo nabad iyo xasillooni.

Si kastaba ha ahaatee, Dadka sida weyn u yaqaana Farmaajo ayaa sheegaya inay arrintaan tahay “HA LAGAA SHEEGO” isla markaana muddo sannad ku dhawaad ah maalin walba intuu xirto Tuutaha ciidamada Militariga ku dhawaaqao Dagaal lagu qaado Al-Shabaab taasoo Dadka u arkaan yaab iyo amakaag culus iyagoo sheegaya hadii dagaal la qaadayo inaan lasii shaacin al-Shabaab aheyn Dad la garanayo oo meel lagu ogyahay xitaa laga yaabo inay Villa Soomaaliya ku dhex-jiraan kana mid yihiin Shaqaalaha Madaxtooyadda.