Ex-Guddoomiye Jawaari Oo Iscasilaadiisa Si Rasmi Ah U Shaaciyay.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu xilkiisa isaga casilo,

Jawaari ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da inuu go’aankan qaatay, si uu Baarlamaanka uga badbaadiyo burbur, iyadoo todobaadyo ay jireen xiisado siyaasadeed oo saameeyay hey’adaha dowladda.

Jawaari ayaa sheegay in maalinta arbacada ee soo socota uu istiqaaladiisa ka horgudbin doono Kulanka Baarlamaanka.

Ma faah faahin sababaha uu isku casilay iyo tallaabada xigta uu qaadi doono, waxaana arrintan soo afjareysa xiisadaha siyaasadeed ee uu dalka galay todobaadyadii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, wada hadalo xalay saqdii dhexe dhex maray Guddoomiye Jawaari iyo Madaxweynaha ayaa lagu gaaray is afgarad suura geliyay inuu is casilo, isla markaana la soo afjaro xiisada Siyaasadeed.