Duqa Muqdisho Oo Calaacalay Cafisna Ka Dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka {AKHRISO}

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa raaligelin ka bixiyey weerar afka ah oo uu ku qaaday xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu ku sheegay inuu Xildhibaannada Baarlamaanka Feeraalka Soomaaliya ka raali gelinayo hadal kulul oo ku sheegay inuu ka shaqeyn la’yahay oo xafiiska ku ciriiriyeen.

“Xildhibaanada Sharafta leh ee BFS waxaan ka raali gelinayaa fasiraad laga bixiyey hadal ujeedkiisu ahaa inaan shacabka waqti badan u helo” ayuu farriintiisa ku yiri yariisow oo culeys badan lagu saaray hadalka kasoo yeray xilli uu wareysi siiyay midka mida telefishanada Soomaalida.

Mooshin Ka Dhan Ah Yariisoow Oo Xildhibaano Badan Diyaarinayaan {MAXAA LAGU HAYSTAA..?}

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo hore u soo noqday wasiirka Amniga ayaa ka mida ahaa xildhibaanno ku gacan seyray raaligelintii hore isagoo jawaab u qoray Guddoomiye Yariisow ku sheegay inuu raaligelinta ka hor sheego Baarlamaanka.

“Waajibaadka shaqo ee xildhibaan ka waa 1. Sharci dejin 2. Korjoogtaynta hay’daha fulinta 3. Masalaadda shacabka. Haddaba maxaa keenay Guddoomiye inaad ku aflagaadayso waajibaadkoodii shaqo. Raaligelin looma baahno ee waa inaad ka jawaabta sababta ay ku mutaysteen aflagaadadaa..” ayuu yiri Xildhibaan oo ka mida xubno Yariisow olole ku qaaday.

Tallaabada Guddoomiye Yariisow iyo raaligelinta labaad ayaa muujineysa dacfiga siyaasadeed ee Duqa Muqdisho oo maalmahan la hadal hayo inuu socde olole lagu doonayo in xilka looga qaado.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Yariisow oo xaalad adag heysato ayaan raali-gelinta ku soo darin Golaha wasiirada xukuumadii uu ka mid ahaa, oo sidoo kale uu ku eedeeyay inuu ka shaqeyn waayey.

DAAWO: Guddoomiye Yariisoow Oo Cadeeyay Inuu Ka Shaqayn La’yahay Madax Ka Tirsan Dowladda {WAA KUWEE..?}