Dr. Abiy Ahmed Oo Loo Dhaariyay Ra’iisul-wasaaraha Dalka Itoobiya.

ADDIS ABABA (XOGTA.NET) – Abiy Axmed ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia kadib markii ra’iisal wasaarihii hore uuis casilay.

 

Ra’iisulwasaaraha cusub oo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada ayaa qiray in “dimuqraadiyadda curdanka ah” ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay.

Dr Abiy Axmed ayaa sidoo kale raaligaliyay dhammaan dadka xuquuqda aadanaha u dooda, siyaasiyiinta iyo dibadbaxyaasha ay qiimaha sare ugu kacday isbadalkii ay dalbanayeen.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal iyada oo lawada xaajoonayo.

Isaga oo diiradda saaraya midnimada, qanaacada, caddaaladda iyo iscafintana, Ra’iisulwasaare Abiy wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qurbajoogta Itoobiyaanka ah ugu baaqay in laga wada shaqeeyo isafgarad qaran.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay in wax laga barto khaladaadkii horay loogalay, lagana shaqeeqo midnimada dalka.

Dr Abiy ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in awood wareejinta maanta ay keenayso fursad taariikhi ah oo baal cusub u furaysa taariikhda siyaasadeed ee Itoobiya.

Dad badan ayuu ahmiyad gaar ah u leeyahay isbadalkani, sababtuna waxay tahay in Abiy uu ka soo jeedo qawmiyadda Oromada, gobolkaas oo ay mudaaharaadyo waawayn iyo degenaansho la’aan ka jirtay wakhtiyadii dambe.

Isbahaysiga haya talada Itoobiya ayaa doortay hogaamiye cusub oo ka dhashay qoomiyadda Oromo ee dalkaas, oo ku dhawaad muddo saddex sanadooda ahaa dadka ugu badan ee waday mudaharaadyo dawladda lagaga soo horjeedo.

Abiy Axmed ayaa helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay, sida ay faafisay warbaahinta dawladda xiriirka la lihi.

Warbixin laga sii daayey idaacadda dawladda ayaa sheegtay in xaaladda degdega ahi ahayd ma huraan lagu xakamaynayo mawjadaha mudaharaadada ah ee dawladda lagaga soo horjeedo ee dalka oo dhan ka kacsanaa ilaa 2015-kii, kuwaas oo ay sababeen arrimo door ah oo ay shacabku tabanayeen.