Dowlada Itoobiya Oo Qabatay Hub Dalkeeda La Galin Lahaa (YAA WATAY..?

ADDIS ABABA (XOGTA.NET) – Dowladda Itoobiya, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay shixnad hub ah, oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo dalkeeda.asiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Siraj Fegessa oo Warbaahinta la hadlay, ayaa tilmaamay in dowladiisu ay gacanta ku dhigtay hub iyo rasaas, la doonayay buu yiri in si qarsoodi ah dalka lagu soo geliyo.

Wasiirka, ayaa bidhaamiyay in hubka la qabtay uu isugu jiro qoryo, bastoolado iyo rasaas. Qoryaha la qabtay buu yiri tiradoodu waa 270 qori oo AK47, 200 oo bastooladood iyo rasaas dhan 66,000 oo xabo.

Wasiirku ma sheegin goorta gacanta lagu dhigay hubkan iyo halka laga qabtayba, balse ay hubkaasi gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka, lana doonayay in lagu sii huriyo xiisadaha ka jira qaybo ka mid ah dalkaasi, sida uu yiri.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, ayaan soo hadalqaadin halka laga keenay hubkaasi iyo haddii ay jiraan dad ay u soo qab qabteen iyo haddii kaleba, ha yeeshee ay wateen dad aan u wanaagsanayn buu yiri Itoobiya.

Dhanka kale Siraj Fegessa, ayaa sheegay in qalalaasihii ka dhex jiray qowmiyadaha degan dalka Itoobiya qaarkood, ay hadda u muuqdaan kuwo degan inay yihiin, ka dib markii sida uu sheegay la kala dhex dhigay ciidamo militari ah.

Ugu dambeyntii, waxaa uu soo hadal qaaday rabshadihii dhawaan ka dhex dhacay Somalida iyo Oromada, oo uu sheegay in la kala fogeeyay, lana dhex dhigay ciidamo militari, si aanay markale isugu dhicinn.


Nagala Xiriir E-mail Info@xogta.net

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

RW Kheyre Oo Shirweyne Caalami Ah Ka Qeyb-galaya.
- Jan 23, 2018
NAIROBI (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay u amba ...
Madaxweynaha Somaliland Oo Hanjabaad Culus Diray.
- Jan 23, 2018
HARGAYSA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ...
Geedi “Maqaamka Muqdisho Waa Mid Dastuuri Ah Oo Waajib Ku Ah Qof Kasta”.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in ...
Xil. Dhuxuloow Oo Ka Digay Bog Facebook Ah Oo Magaciisa Lagu Samaystay Looguna Gafay Dad Badan.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka ...
AKHRISO: Hantiilayaasha Caalamka 82% Dhaqaalaha Ay Heystaan Waxaa Gacanta Ku Haya 1% Oo Dadkaasi Ah.
- Jan 22, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Hay’adda Oxfam ee laga leeyahay dalkaUK ayaa sheegtay in uu aad ...
Heerarkii Uu Soo Maray Khilaafka Taabit Iyo Kheyre (Biloow ilaa Dhamaad)
- Jan 21, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Thabit Cabdi oo ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u ...
RW Itoobiya Iyo Madaxweynaha Somaliland Maxay Ka Wada Hadleyn?
- Jan 17, 2018
ADDIS ABABA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ...
RW Kheyre Oo Xilka Laga Qaadi Doono (YAA LAGU BADALAYAA..?)
- Jan 15, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Illo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Raysal wasaare Kheyre ay ...