DHAGEYSO: Farmaajo Oo Ku Dhaga Hadlay RW Kheyre Iyo Kooxdiisa Sheegayna Inuu Nabadoon Yahay Waji Cusubna Lasoo Baxayo.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadka intooda badan ku tilmaamaan NIN aad u jilicsan isla markaana aan waxba kala socon howlaha Dalka ka socda oo ka hoos adeegtaan Rag gaar ah ayaa COD u usoo duubay aad ugu Calaacalay.

Farmaajo waxuu sheegay inuu yahay Nabadoon Soomaaliyeed isla markaana uusan DHIB ka wadin Dalka inuu Ummadda Soomaaliyeed isku soo dhaweeyo oo uu Nabadoon u noqdo mooyee.

Madaxweyne Farmaajo oo ay talada farahiisa ka baxsheen Koox isku duuban oo Dagaal-oogayaal Muqdisho loogu yaqaano ayaa hadalkiisu u muuqdaa mid u doonaya inuu dib usoo celiyo awoodiisa Dastuuriga ah ee Madaxweynimo oo hadda ay ku adeegtaan RW Kheyre, Guddoomiye Taabid iyo Agaasime Fahad oo dalka sidee doonaan ka yeeshaan.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Dowlada Farmaajo iyo Shacabka kala fogeeyay isla markaana uu Farmaajo ku waayay taageeradad iyo kalsoonida Shacabka ayaa kala ahaa Arrintii Qalbi Dhagax, Khilaafka Khaliijka, Kala Irdheynta Maamulada dalka iyo Xasuuqii Isgoyska Soobe oo ugu dambeeyay, waxuuna garowsaday inay tallo gacantiisa ka baxday Mucaarad fara-badana uu yeeshay isla markaana 4-sanno ee Dastuuriga ah isagoo dhameysan la tuuri doono.

AKHRISO: QM Oo Saddex Maalmood Kadib Goobta Qaraxa Ee Zoobe Geysay Qalab Dad Badan Badbaadin Lahaa {SAWIRRO}

Farmaajo oo hadalkiisa u muuqday mid aad u jilacsan oo Calaacal ka u badnaa ayaa sheegay inuu Nabadoon yahay dib dambena isku soo sharaxeen hadii 4-sanno uu dhameysto balse laga daayo Mucaaradnimada oo lala shaqeeyo.

Farmaajo oo Tallooyin badan Habeenadii ugu dambeeyay ka helay Beesha Caalamka iyo Saaxiibo gaar ah uu leeyahay oo lasoo xiriiray kadib qaraxii Isgoyska Soobe ayaa qorsheeyay inuu dalka Badbaadiyo isla markaana soo ceshto awoodiisa la isaga shaqeysanaya una dhaqmo sida Madaxweyne kuna darsado Nabadoonimo oo Soomaali isku soo dhaweeyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Siyaasiyiinta ah ee raba Kursiga Madaxweynimo ay kala shaqeeyaan sidii Soomaali uu ugu Nabadoonimeyn lahaa 4-sanno uu joogo kadibna uusan isa soo sharaxeyn oo u baneyn doono kursiga balse aysan Mucaaradin oo ay la shaqeeyaan

Farmaajo waxuu dalbaday wada-hadal isagoo ula jeedo maamulada dalka Hogaamiyaashooda oo maalmahaan dambe mugdi weyn soo kala dhex-galay Dowlada Dhexe iyo Maamulada.

AKHRISO: Qaraxii Ka Dhacay Isgooyska Zoobe Yaa Ka Dambeeyay {XOG MUHIIM AH}

Farmaajo oo ka muuqatay Cabsi xoogan ayaa ka codsaday Mucaaradka inaysan Jiid-Jiidin isagoo u balan-qaaday inuu wax weyn ka badali doono wajigii hore ee ku yaqaaneen oo waji cusub iyo qaab cusub u shaqeyn doono taasoo micnaheeda tahay inuu Heeryada iska kor-qaadi doono oo Rag badan uu Eryi doono.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Farmaajo ayaa si weyn Shacabka Soomaaliyeed ugu qanceen kuwaasoo dareemay inuu Madaxweynaha muddooyinkaanba ku jiray Xabsi kor ka feedan oo Rag gaar ah isaga shaqeysan jireen Magaciisa kuna dirayeen Shacabka isagoo Nabadoonimo sheegtay waxeyna taasi walwal xoogan ku abuurtay durba RW Kheyre iyo Saaxiibadiisa oo taladda dalka gacantooda laga saarayo kadib markuu Farmaajo ogaaday awoodiisa Dastuuriga ah tallooyin badana helay kadib qaraxii Isgooyska Soobe.

DHAGEYSO HADALKA NABADOON FARMAAJO


Nagala Xiriir E-mail Info@xogta.net

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

RW Kheyre Oo Shirweyne Caalami Ah Ka Qeyb-galaya.
- Jan 23, 2018
NAIROBI (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay u amba ...
Madaxweynaha Somaliland Oo Hanjabaad Culus Diray.
- Jan 23, 2018
HARGAYSA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ...
Geedi “Maqaamka Muqdisho Waa Mid Dastuuri Ah Oo Waajib Ku Ah Qof Kasta”.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in ...
Xil. Dhuxuloow Oo Ka Digay Bog Facebook Ah Oo Magaciisa Lagu Samaystay Looguna Gafay Dad Badan.
- Jan 23, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka ...
AKHRISO: Hantiilayaasha Caalamka 82% Dhaqaalaha Ay Heystaan Waxaa Gacanta Ku Haya 1% Oo Dadkaasi Ah.
- Jan 22, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Hay’adda Oxfam ee laga leeyahay dalkaUK ayaa sheegtay in uu aad ...
Heerarkii Uu Soo Maray Khilaafka Taabit Iyo Kheyre (Biloow ilaa Dhamaad)
- Jan 21, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Thabit Cabdi oo ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u ...
RW Itoobiya Iyo Madaxweynaha Somaliland Maxay Ka Wada Hadleyn?
- Jan 17, 2018
ADDIS ABABA (XOGTA.NET) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ...
RW Kheyre Oo Xilka Laga Qaadi Doono (YAA LAGU BADALAYAA..?)
- Jan 15, 2018
MUQDISHO (XOGTA.NET) - Illo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Raysal wasaare Kheyre ay ...