Dal Carbeed Oo Soomaaliya Ka Qaadanaya 4000 Oo Askari (SABABTA AKHRISO)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Mid kamid ah dalalka carabta ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya ayaa soo dalbaday in la siiyo ciidamo gaaraya Afar Kun oo uu ku darsado ciidamadiisa.

Imaraadka Carabta ayaa naloo sheegay in warqad usoo qoray xukuumadda Federaalka ah, wuxuuna ka dalbaday in la siiyo 4 kun ooaskari waliba ah kuwa sida gaarka ah loo tababaray.

Warqadan inkastoo aanay jawaab helin ayaa hadana Imaaraadka wuxuu ku sheegay iney doonayaan in ciidamadan ay sii qalabeyaan, kana qeybqaataan howlo Imaaraadka ka wado qaar kamid ah dalalka Carbeed.

Weil ma jirto jawaab rasmi ah oo la siiyey Imaaraadka, balse sida la qiyaasayo wuxuu doonayaa askar uu ku layo dagaallada ka socda dalka Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa iska dhiga saaxiibka dhow ee Soomaaliya, waxaana mar walbo ay danahooda gaarka ah u adeegsadaan cid walbo oo ay Soomaaliya kala saaxiib yihiin.