DAAWO: Wasiirka Gaashaandhiga Dfs Oo Isku Soo Sharaxay Xilka Guddoomiyaha Barlamaanka.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo maanta shir Jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa shaaciyay in uu yahay Musharax u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in uu leeyahay qibrad ku aadan howlaha hogaaminta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,howshana uu meesha kasii wadi doono.

Waxaa uu amaanay Guddoomihii hore ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu sheegay in uu meel wanaagsan gaarsiiyay Golaha shacabka isaguna uu halkaas ka sii wadayo.

Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan waxaa lagu tuhmayaa in uu yahay Musharrax ay Xukuumadda wadato islamarkaana dooneyso in uu isagu beddelo booskiisa Jawaari.

Waa Musharixii labaad ee shaaciya in uu diyaar u yahay qabashada Xilka uu baneeyay Guddoomihii hore ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee, shalay waxaa isa soo sharxay Aadan Maxamed Nuur (Shiikh aadan Madoobe) oo xilka baarlamaanka Soomaaiya soo qabtay sanadkii 2007-dii.

HALKAAN KA DAAWO