DAAWO: Farmaajo Oo Jawaari U Sameeyay Casho Sharaf Ay Mucaaradka Kasoo Qeyb-galeen.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Madaxweynaha JFS Nabadoon Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Villa Soomaaliya Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaa, sidoo kale, kasoo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre (Xasan Bile), Ku Simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye K/Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Abdiwali Ibrahim Sheikh Muudey Guddoomiyaha K/Xigeenka 2aad Mahad Cawad, Xildhibaannada labada Aqal iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda.

Ragii shalay is Mucaaradsanaa Madaxweyne FARMAAJO iyo RW Xasan Cali Kheyre CAAWA waa wada faraxsan yihiin Qalbiyada ayaa la isku furay waxii dhacayna waa xalay dhalay.

HALKAAN KA DAAWO