Ciiidamada NISA Oo Muqdisho Ka Raadinaya Gaadiid Qarxi Raba (WAA NOOCEE..?)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Ciidamada NISA ee Muqdisho ayaa waxay haatan raadinayaa illaa Sagaal gaari oo xambaarsan qaraxyo,  kuwaasi oo la sheegay in magaalada ay ku jiraan.

Sarkaal sare oo ka tirsan NISA ayaa inoo sheegay iney hayaan macluumaadka qaar kamid ah gaadiidkan, isla markaana ciidanka ay si xooggan u shaqeynayaan.

Waxa uu tilmaamay in gaadiidkan Labo mid ay noqon doonto, iney qabtaan  isaga oo bad  qaba ama iney qarxiyaan.

Noocyada gaadiidkaan in uu nala wadaago ayuu sarkaalkan ka gaabsaday, hase ahaatee ammaanka magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyay.

Al-shabaab ayaa xoojiyey weerarada qaraxyada ah ee ay ka fuliyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.