Caruur, Hooyadood Iyo Abtigood Oo Miino Kula Qaraxday Buulo Burde.

BUULO BURDE (XOGTA.NET) – Wararka ka imanaya degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qoys ka kooban 4 carruur ah, hooyadood, abtigood iyo macalin dugsi ay ku geeriyoodeen kadib markii ay gaari dameer ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday meel u dhow degmada Buuloburte.

 

Qoyska ku dhintay qaraxa miinada ayaa adeeg caafimaad waxaa ay u doonanayeen magaalada oo tuulada ay degenaayeen u jirta qiyaastii 7km.

Afarta carruur ee dadka dhintay ku jiray waxaa hayay xanuunka jadeecada, sida uu sheegay Guddoomiyaha Buuloburte Cabdi Daahir Guure.

Guddoomiyaha degmada Buuloburte ayaa ku eedeeyay ururka Alshabaab inay wadooyinka dadka rayid ah ku aasayaan

Arrintan ayaa ah mid ku cusub degmad Buuloburte iyadoo hore loogu ogaa in baabuurta ay miinadu la qaraxdo balse haatan gaari dameer ay dad saarnaayeen ay la qaraxday miino dhulka lagu aasay.