Beesha Habar-gidir Oo Xeelad Culus La Cayaaraysa Dowlada Farmaajo.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Beesha Habargidir oo siyaasiyiinteedu yihiin mucaaradka ugu weyn ee DFS ayaa hadda waxay bilaabayaan qorshe cusub oo ay ku doonayaan iney kula dhaqmaan DFS.

Xog ay heshay XOGTA.NET ayaa sheegeysa in beesha kulan albaabada u xiran ku yeesheen magaalada Muqdisho islamarkaana isku af garteen dhowr qodob.

Qodobada la isla fahmay waxaa kamid ah, in beesha ay wax ka bedasho hannaanka mucaaradka qayaxan ah, islamarkaana la helayaa dad afag oo beesha ku dhex leedahay DFS, qadiyadana halkaasi ka difaaca.

Sidoo kale in la isku dayaa in marka hore gabi ahaanba meesha laga saaro kiiska C/raxmaan C/shakuur, si taasi ay u dhacdana heshiis lala galaa madaxda DFS.

Isku soo duuboo, tani aya u muuqata qorshe ay beesha Habargidir ku dooneyso iney ku maja xaabiso si tartiib tartiib ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.