Baarlamaanka Soomaaliya Oo Si Farsamaysan Loo Kala Diray (AKHRISO)

Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya Ee Labada Aqal.
Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya Ee Labada Aqal.

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) -Kulankii ka socday Magaalada Baydhabo ee loogu magac daray AMNIGA ayaa waxa uu muuqdaa mid ay ka soo baxaayaan heshiis labada dhinac isku waafaqsan yihiin kaas oo ah jn baarlamanka Soomaaliya sid dadban loo lakala diro sidoo kalana Aqala Sare laga dhigo howlgab sida uu hadda yahayba.

Nuqalka doorashooyinka ee xalsy la Saxiixay ayaana tusaale cad u ah qorshaha dowladda dhexe.

Heshiiskaas oo qeexaya qaabka Doorahada 2020 loo qaban doono ayaan marnaba lagu soo hadal qaadin baarlamanka Soomaliya oo ah hay’adda ugu sareeysa ee sharci dajinta dalka.

Gudoomiyihii maqaar saarka ahaa ee Baarlamanka Maxamed Mursak oo ka hadli lahaa arintaan Safar ayuu iska aaday iyadoo RW Kheyre ayaa lacag siiyay Safarna ayaana loo diray halka Mahad Cawad iyo Muudey labada ay ka mid yihiin hogaanka Dowladda oo raali ku ah talaabadda la qaaday.