Baaritaankii Weerarkii Guriga Sen. Qeybdiid Oo Lugaha La Galay Meel Halis Ah.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya hay’adaha baarista ayaa waday baaritaanka ku aadan kiiskii Qeybdiid ee ahaa weerarkii lagu qaaday hoygiisa magaalada Muqdisho.

Xogta.ney ayaa ogaatay in Kiiskaasi hadda uu galay meel aad u halis ah, islamarkaana aan si sahal ah waxbo looga qaban karin.

Cabsi aad u weyn ayaa timid, xaaladuna waa ay isbedashay, waxaana la ogeyn sida wax laga yeelo doono maadaama rag culus uu kiiska ku foorarsaday.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa macquul ah in dhallinyaradii weerarka lagu amray iney qaadaan in loo ciqaabo si aanay madaxda ammarkaasi ka dambeysay u ceeboobin.