Ammaanka Muqdisho Oo Dayacan Iyo Al-Shabaab Oo Qorshe Halis Ah Maagan.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in hadda ay doonayaan falal amni darro oo ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Al-shabaab ay hadda soo abaabulayaan qaraxyo iyo falal kale oo ka duwan kuwii ay horey u sameyn jireen.

Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegtay in Al-shabaab ay gadiid qaraxyo wado la doonayaan iney soo geliyaan Muqdisho, walibana ku qarxiyaan wadada dheer ee Makka Al-mukarrama.

Sirdoonka DFS oo arrintan wax badan ka og ayaa bilaabay in heegan buuxa galaan, waxaana la adkeeyay amniga Makka Al-mukarrama, iyadoo lasoo dhigay baro Koontarool oo cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa muddooyinkaan dambe weysan fursad ay ku qalqal geliyaan amniga Muqdisho, balse waxay isku dayaan iney sameeyaan wax walbo oo ay u arkaan in ammaanka Muqdisho ku carqaladeen karaan.