Ammaanka Jawaari Oo Halis Xoogan Soo Wajahday (SABABTA AKHRISO)

Guddoomiye Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari
Guddoomiye Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Xildhibaanada la baxay Guddiga Badbaadada Baarlamaanka ayaa shir jaraa’id ay qabteen waxay ku baaqeen in Guddoomiye Jawaari dib loogu soo celiyo Ciidamadii Ilaalinayay oo la xiray, qaarkood lagu amray inay xarunta ka soo tagaan. Xildhibaanada ayaa sheegay in Taliyeyaasha Ciidamada aanay dhex dhexaad aheyn.

Ciidamada Ilaalinayay Xarunta Villa Hargeysa iyo Ammaanka Guddoomiye Jawaari ayaa ka tirsan Ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada oo hoos taga Taliska Ciidamada Xoogga dalka.

Waxaa hadda muuqata in ammaanka Guddoomiye Jawaari ay ku soo hareen Ciidamada AMISOM oo horay waajibaakooda ka mid ahaa sugidda Amniga Madaxda sare ee dowladda, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ayaa inoo sheegey in Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasin uu amar buux ku siiyey Taliyaha ilaalada Madaxtooyada Col Afcadeey in Ciidan villa hargeysa hubka laga dhigo lana xir xiro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaad moodaa inuu raali ka yahay dhibaatada uu sameynaayo iyo awooda uu isticmaalooyo Fahad Yasin.